Maxkamadda Kenya oo laga dalbaday inay dib u dhigto doorashada Khamiista

Kenya (estvlive) 24/10/2017

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay Arbacada go’aan ka gaarto in doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ee la qorsheynaya kahmiista dib loo dhigo iyo in kale.

Maxkamadda ayaa ka jawaabeysa dalab deg deg ah oo maanta loo gudbiyay.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa isaga baxay tartanka, isagoo dhaliilay qaabka uu guddigu u abbaaray qabanqaabada doorashada ku celiska ah.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeystay in doorashada ay qabsoonta Khamiista

Odinga wuxuu rajeynayaa in maxkamadaha ay joojin doonaan doorashadan oo ay ku dhawaaqi doonaan in doorasho hor leh la qabto.

Isbaheysigiisa NASA ayaa ku dhawaad maalin kasta dalka ka dhigayay muddaaharaad ay uga soo horjeedaan guddiga doorashada. Booliska ayaa lagu eedeeyay inay isticmaaleen xoog xad dhaaf ah. Tobanaan qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhimatay muddaarahaadyadaasi.

Isbuucii la soo dhaafay xubin sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa is casishay iyadoo sheegtay inaysan diyaar u ahayn waxay ugu yeertay ‘qeyb ka noqoshada’ doorasho aan si hufan loo qaban doonin. Waxay u carartay New York iyadoo sheegtay inay u baqday nafsadeeda.

Maalin ka dib is casilaada Roselyn Akombe, ayaa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka wuxuu qirtay inay adagtahay in doorasho ‘macquul ah’ la qabto.

”Waxaa arrin yaabkeeda leh ah in hoggaamiyayaasha siyaasadda ee laga rabay inay dhisaan qaran ay nqodeen khatarta ugu daran soo food saartay xasilloonida iyo nabadda qaranka”, ayuu yiri Wafula Chebukati.

Comments are closed