Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo maalintii shalay khudbad ka jeedinayay munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha Hirshabeelle ayaa soo hadal qaaday arrimaha Amniga iyo Saboolnimada laga dhaxlay abaarta. Waxaa uu sheegay in Keating in shacabka Soomaaliyeed xiligan wajahayaan xaalad amaan darro, loona baahan yahay si xaaladaasi ay uga baxaan garab istaag iyo hiilo, iyo in la kordhiyo dagaalka ay ku jiraan ciidamada dowladda. Wuxuu kaloo sheegay Mickeal Keating in laba qof oo ka mid ah Saddexdii qof ee Soomaali ah in aysan heysan wax ay cunaan, maadaama dalka uu qaabilay Abaaro aad u xanuun badan oo wali ay muuqato saameyntooda. “Laakiin arrinta xauunka badan ee dhabta ah ee na hortaalla ayaa waxa ay tahay in laba qof oo ka mid ah Saddexdii qof ee Soomaaliyeedba aysan maanta heysan wax ay cunaan, dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaa hortaalla amni xumo. “Beesha Caalamka waxay dooneynaa in ay garab istaago Soomaaliya, in ay maalgelin ku sameyso hormarinta nabad-gelyada, kaabayaasha dhaqaalaha, shaqa abuurka, horusocodka nidaamka Dowladda, ayuu yiri” Keating.

S/Africa (estvlive) 24/10/2017

Kulan ballaaran oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Africa laguna qabtay xaruta Safaarada looga hadlay Ganacsiga Soomalida halkaa ku dhaqan iyo dhibaatooyinka ay wajahayaan.

Waxaa kulanka si gaar ah diirada loogu saaray sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka Amni xumo ee soo wajahaya ganacsatada Soomaaliyeed iyo sidii dabagal loogu sameyn lahaa weerarada loo geysto Soomaalida.

Ganacsatada kulanka ka qeybgashay ayaa sheegay in uu jiro hoos u dhac ku yimid ganacsiga Soomaalida ay ku lahaayeen Tuulooyinka ah, sidoo kale waxaa ay xuseen in barakicin xoogan lagu haayo goobaha ganacsiga Soomaalida, kaddib markii goobaha ganacsiga Soomaalida laga iibiyay ganacsato Ajaanib ah, taasoo keentay in Soomaalida laga saaro suuqyada ganacsiga ee dalkaan Koofur Afrika oo hore ay si weyn uga dhax muuqdeen.

Ka soo qeybgalayaasha shirka qaar ka mid ah oo hadlay waxaa ay sheegeen in dhibaatooyinka soo cusboonaday qaarkood ay sababeen caqabado heysta milkiilayaasha goobaha ganacsiga Soomaalida ee ku yaala deegaanada tuulooyinka ah, waxaana caqabadahaasi ay isugu jiraan kuwa la xariira arrimo amni iyo qaar kale oo ka timid shaqaalo la’aan ku dhacday goobaha ganacsi oo ay dhalinyaradii ka shaqeyn laheyd qaarna ay sharciyadii ku dhiban yihiin kadibna dalkii isaga laabtay ama u tahriibay dalal kale ee caalamka.

Danjire Jamaal Maxamed Barrow oo ah safiirka dowladd Soomaaliya ee Koonfur Africa oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay ayaa u balan qaaday ganacsatada wax ka qabashada dhibaatooyinka ay wajahayaan islamarkaana ay safaaradda diyaarisay qorshe sanadka 2018 isbadal weyn lagu sameeynayo.

“Safaarada waxaa ay diyaarisay qorshe cusub oo lagu howlgalayo sanadka 2018 ka haduu Alle idmo, waxaan noo diyaar ah in wado walba aan u marno sidii aan ku badbaadin laheyn hantida iyo nafta ganacsatada Soomaalida islamarkaana aan helno xaquuqda ay leeyihiin ganacsatada Soomaalida, lakiin la’aantiin ma shaqeyn karno waxaa loo baahan yahay in aad nala shaqeysaan”ayuu yiri Danjire Jamaal Barrow.

Comments are closed