Cabdiwali Gaas” Waan aqbalnay shirka uu nagu martiqaaday madaxweyne Farmaajo

Garoowe (estvlive) 25/10/2017

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas dhinaca kalana guuddoomiye ka ah madal ay ku midoobeen madaxweynayaasha maamullada dalka ka jira, ayaa sheegay in ay aqbaleen ka qeybgalka shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ee 28ka bishan ka dhacaya Muqdisho.

‘’Anniga oo ku hadlaya Afka madasha maamul gobolleedyada dalka waxaan rabaa in aan bulshada Soomaaliyeed u cadeeyo in aan aqbalnay martiqaadkii madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana dhamaanteen ka qeybgali doono shirka 28ka ka furmaya Muqdisho’’ ayuu yiri madaxweyne Cabdiwali Gaas.

Shirka ayuu sheegay in ahmiyada ugu weyn la siin doono sidii labada dhinac uga wada shaqeyn lahaayeen hormarinta sharuuc la wada leeyahay oo leysla ogyahay si marka danbe looga fogaado ayuu yiri in dhinacyadu isku eedeeyaan in la baalmaray sharuucdii la wada dhigtay.

‘’Shirkan waa shir u gogol xaaraya in la dhigto sharuuc iyo nidaam leysla og yahay oo aan marka  danbe leysku eedeyn, si ay u yaaraato xasarada siyaasadeed, loona yeesho wada shaqeyn dhab ah’’ ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa oo ka qeybgalay munaasabadii caleemo saarka madaxweyne Waare ayaa kulan wadatashi ah kula qaatay magaalada Jowhar madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo guddoomiye ku-xigeen ka ah madasha ay ku mideysan yihiin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada, waxaana muuqata in shirka labada mas’uul uu la xiriiray kulanka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo oo ugu danbeyntii Cabdiwali Gaas ku dhawaaqay in ay aqbaleen.

Comments are closed