WadadaTareenka Ee Isku Xidha Dalkeenan Itoobiya Iyo Dalka Jabuuti Oo Lasheegay In Dhawaan Adeegii Loogu Talagalay Ay Bixindoonto.

Addisababa (estvlive) 25/10/2017

Dhismaha wadada tareenka ee iskuxidha dalkeena itoobiya iyo dalka jabuuti ayaa ah wado tareen oo si casri ah loodhisay islamarkaana ladhamaystiray halsano kahor kadibna xadhiga laga jaray, waxaana lawaday mudo halsano ahba tijaabada wadada iyadoo la aasaasay shirkada tareenka, dhamaystirka xirfadlayaasha wadada, shaqaalaha iyo waliba waciyigalinta bulshada meelaha uu maro tareenku, waxaana wakhti xaadirkan la shaaciyay in asbuuca soosocda uu tareenku si rasmi ah ubilaabi doono shaqadiisa.

Hadaba, Madaxa Xidhiidhka Dadwaynaha ee wakaalda Tareemada Dalka mudane  Daraje Tafare oo kawrbixiyay dhismaha wadadan tareenka ee isku xidha dalkeenan Ethiopia iyo dalka jabuuti ayaa sheegay in wadadan si buuxda loodhamaystiray halsano kahor islamarkaana xadhiga lagajaray  ayaa tijaabinteedeena ladhamaystiray hadaytahay xirfadlayaasha wadada iyo tababarida shaqaalaha kaladuwan ee shirkada tareenka. Wuxuuna tilamaamay in tareenku uu si rasmi ah shaqada ubilaabi doono todobaadkan fooda inagu soohaya

 

Sikastaba ha haatee, wadadan tareenka oo dheerarkeedu dhan yahay 650 KM islamrkaana ah wado si casri ah loodhisay, kuna baxday aduun lacageed kabadan 3.4 bilion oo doolar. iyadoo kharashka kubaxay dhismaha wadadana 70% lagahelay bangi laga leeyahay dalka shiinaha meesha inta hadhay ee ah 30% uu daboolay dalkeenan itoobiya. Waxaan xusid mudan in tareenkani yahay mid kushaqaynaya quwada korontada islamarkaana qayb libaaxa kaqaadan doona kobaca dhaqaalaha dalkeenan itoobiya.

Comments are closed