Kheyre ayaa sheegay in Turkiga mar walba taageero shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isla markaana aanay marnaba ilaabi doono abaalka walaalaha Turkiga.
Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay gurmadkii ay u soo direen Soomaaliya, kaddib qaraxii Zoobe, waxaana uu xusay in Turkiga uu yahay saaxib iyo walaal mar walba garab taagan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisal wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulan la qaato madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, sidoo kale waxaa uu booqan doonaa dhaawacyada laga keenay Muqdisho ee ku wax yeeloobay qaraxii 14-kii bishan.
Comments are closed