DAAWO Jaaliyadda Haweenka DDSI ee Australia oo Ugu Yaboohay Lacag 10,500 Shacabkii DDSI Oromada Soo Barakicisay
Melbourne (estvlive) 27/10/2017
DAAWO Muuqaalka
Jaaliyadda haweenka ee DDSI ee dalka Australia ayaa kulan ku yeeshay magaalada Melbourne ee dalka Australia waxaana loo qabtay kulanka in lagu taakuleeyo shacabkii dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ee laga soo barakiciyay deegaanka Oromiya.
Jaaliyadda haweenka DDSi ee Australia ayaa dadaal xoogan ugu jirtaa sidii ay shacabka dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ee laga soo barakiciyay deegaanka Oromiya in ay taakuleeyaan.
Hadaba Jaaliyadda Haweenka ee kulankan ka soo qeybgalay ayaa ku yaboohay lacag dhan $10.500 doolar taasoo lagu lagu taakuleynayo shacabkii dawlad deegaanka somalida Itoobiya ee laga soo barakiciyay deegaanka Oromiya.
Ugu dambeyntii jaaliyadaha dawlad deegaanka Somalida Itoobay ayaa garab taagan shacabka deegaanka islamarkaana ay la qeybsanayaan dhib kasta soo gaara.
Comments are closed