haddaba, iyada oo ay kulamadaasi si qurux badan hore uga soo qabsoomeen ismaamulka magaalooyinka Goday, Qabridahar iyo maamulka magaalada qabribayax islamarkaana lagu ururiyay lacago badan oo lagu taageerayo bulshada soomalida ah ee laga soo barakiciyay deegaanka oromada ayaa waxa uu kulankaasi oo kala shalay ka dhacay maamulka magaalada tog-wajaale waxaana ka hadlay maareeyaha wakaalada horumarinta, dhisida iyo kobcinta iskaashatooyinka DDSI ahna xubin ka mid ah gudiga taakulaynta soo barakacayaasha deegaanka mudane Jamaal Cismaan Qorane oo sheegay in kulani ka mid yahay kulamada lagu taageerayaan shacabka soomalida ah ee laga soo barakiciyay deegaanka oromada ee ay xukuumada DDSI u samaysay dib u dajinta wuxuuna u mahad celiyay ganacsatada maamulka magaalada tog-wajaale ee iskood isku soo abaabulay ee deeqda lacagta ah ku deeqay shacabkan ka soo barakacay deegaanka oromada maareeyaha ayaa sharax dheerka bixiyay dadaalada balaadhan ee ay xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee shacabwaynaha DDSI ugu jiraan taakulaynta iyo deeqaha la gaadhsiinayo bulshada la soo barakiciyay.
Dhankiisa maayirka maamulka magaalada tog-wajaale mudane maxamuud Cabdi Maxumed ayaa sheegay in uu yahay kulan taageero lacageed ay ganacsatada maamulka magaalada tog-wajaale ugu deeqayaan bulshada soomalida ah ee laga soo barakiciyay deegaanka oromada, maayirka ayaa u mahad celiyay ganacsadadan dareenka wadaniyadeed ee ay u muujiyeen shacabka soomalida ah ee ka soo barakacay deegaanka oromada. Intii uu kulankani socday ayaa waxay ganacsatada maamulada tog-wajaale ku ururiyeen deeqo lacag ah oo ay ugu deeqeen shacabka soomalida ah ee ka soo barakacay deegaanka oromada ee ay xukuumada DDSI dib u dajinta u samaysay.
Comments are closed