Kulamo Lagu Taageerayo Shacabka Soomalida Ah Ee Laga Soo Barakiciyay Deegaanka Oromada.

Tog-Wajaale (estvlive) 27/10/2017

Xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii deeqo taageero ah loo gaadhsiin lahaa bulshada soomalida ah ee laga soo  barakiciyay   deegaanka oromiya waxayna kulamo taageero lacageed loogu ururnayo shacabkaasi  ka dhaceen  ismaamulada magaalooyinka, Qabridahar,  tog-wajaale, Goday iyo Qabribayax.

Kulamadaasi oo ay  soo agaasimay qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay hormuud u yihiin ganacsatada heerar kooda kala duwan waxaana kala soo qaybgalay xubno ka mid ah  gudiga taakulaynta soo barakacayaasha DDSI iyo masuuliyiinta maamulka maamulada magaalooyinka.

 

haddaba, iyada oo ay kulamadaasi si qurux badan  hore uga soo qabsoomeen ismaamulka magaalooyinka Goday, Qabridahar iyo maamulka magaalada qabribayax islamarkaana lagu ururiyay lacago badan oo lagu taageerayo bulshada soomalida ah ee laga soo barakiciyay deegaanka oromada ayaa waxa uu kulankaasi oo kala shalay ka dhacay maamulka magaalada tog-wajaale waxaana ka hadlay  maareeyaha wakaalada horumarinta, dhisida iyo kobcinta  iskaashatooyinka   DDSI ahna xubin ka mid ah gudiga taakulaynta soo barakacayaasha deegaanka mudane Jamaal Cismaan Qorane   oo sheegay in kulani ka mid yahay kulamada lagu  taageerayaan shacabka soomalida ah  ee laga soo barakiciyay  deegaanka oromada ee ay xukuumada DDSI  u samaysay dib u dajinta wuxuuna u mahad celiyay ganacsatada maamulka magaalada tog-wajaale ee  iskood isku soo abaabulay ee deeqda lacagta ah ku deeqay shacabkan ka soo barakacay deegaanka oromada maareeyaha ayaa sharax dheerka bixiyay dadaalada balaadhan ee ay xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee shacabwaynaha DDSI ugu jiraan taakulaynta iyo deeqaha la gaadhsiinayo bulshada la soo barakiciyay.

Dhankiisa maayirka maamulka magaalada tog-wajaale  mudane maxamuud Cabdi Maxumed ayaa sheegay in uu yahay kulan taageero lacageed ay ganacsatada maamulka magaalada tog-wajaale ugu deeqayaan  bulshada soomalida ah ee laga soo barakiciyay deegaanka   oromada,  maayirka ayaa u mahad celiyay ganacsadadan  dareenka wadaniyadeed ee ay u muujiyeen shacabka soomalida ah ee ka soo barakacay deegaanka oromada. Intii uu kulankani socday ayaa waxay ganacsatada maamulada tog-wajaale ku  ururiyeen deeqo lacag ah oo ay ugu deeqeen  shacabka soomalida ah ee ka soo barakacay deegaanka oromada ee ay xukuumada DDSI dib u dajinta u  samaysay.

Comments are closed