Madaxweyne Waare oo la kulmay Bulshada degmada Warshiiq ee gobolka Shabeellaha dhexe

Hirshabeelle (estvlive) 27/10/2017

Munaasabad lagu soo dhaweynayay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay lagu qabtay xarunta degmada Warshiiq ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay degmada qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, Jabriil Ibraahim Cabdulle, xidlhibanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, maamulka degmada iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirshabeelleCali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe oo munaasabadii xalay ka hadlay ayaa ka mahad celiyay soo dhoweyntii loo sameeyay, waxaana reer Warsheeq uu ku ammaanay nabadda ay heystaan iyo ilbaxnimada ay u leeyihiin marti -Soorida.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isna muujiyay sida ay uga go’antahay in la isku garab istaago nidaamka dowliga ah lagana shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa deegaanada maamulka Hirshabeelle uu ka arimiyo.

Madaxweyne Waare oo sii hadlay ayaa ka codsaday Qurbo joogta Soomaaliyeed iyo kuwa ku abtirsada maamulka in ay maalgashadaan deegaanada Hirshabelle, waxaana ka maamul ahaan uu balanqaaday in ay la shaqeyn doonaan.

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen ra’iisal wasaarihii hore Nuur Xassan Xusseen [Nuur Cadde] Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo xildhibaanno.

Comments are closed