Kulan Lagu Dar-dargalinayay Adeegyada Caafimaadka Gobolka Siti Oo Ka Dhacay Shiniile.

Shiniile (estvlive) 29/10/2017

Kulan lagaga hadlayay adeeg bixinta xarumaha caafimaadka,rugaha  iyo cusbitaalka gobolka siti ayaa ka dhacay madasha shirarka ee gobolka siti ee magaalada shiniile. waxaana ka soo qaybgalay kulankaasi qaarka mid ah masuuliyiinta gobolka siti, kooxda taakulaynta iyo taageerada xafiiska caafimaadka DDSI ee kor-meerka shaqo ku joogay gobolka siti iyo madax-xafiiseedyada xafiisyada caafimaadka iyo maareeyayaasha xarumaha caafimaadka ee degmooyinka gobolka siti.

Kulankaasi  ayaa waxay  ujeedadiisu ahayd sidii loo dar-dargalin lahaa adeegyada caafimaadka ee ay bulshada u fidiyaan xarumaha caafimaadka, rugaha caafimaadka iyo cusbitaalka gobolka siti islamarkaana loo  eegilahaa warbixinta kooxda taakulaynta iyo taageerada xafiiska caafimaadka DDSI ee kormeerka shaqo ku  maraya  degmooyinka gobolka siti.

Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay ku simaha gudoomiyaha gobolka siti  ahna madaxa xafiiska cadaalada gobolka siti mudane Cumar Macalin  oo    ka warbixiyay dadaalada xoogan ee xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo taaba galin lahaa tayada adeegyada caafimaadka deegaanka islamarkaana looga midho dhalin lahaa siyaasada caafimaadka ee ku wajahan xaqiijinta tayada adeega caafimaadka guud ahaan deegaanka . masuulka oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in maamulada adeegyada caafimaadka looga baahan yahay in ay xooga  saaraan tayaynta adeeg bixinta xarumaha caafimaadka wuxuuna intaasi ku daray in  kulankan lagu eegayo warbixnta ay kooxda taakulaynta iyo taageerada adeega caafimaadka ee xafiiska caafimaadka DDSI ku soo arkeen xarumaha caafimaadka degmooyinka gobolka siti

Dhanka kale   iskuduwaha maareynta xogta caafimaadka  iyo dabagalka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Wali Axmed  Nuur  oo ah madax kooxeedka kooxda taakulaynta iyo taageerada ee xafiisak caafimaadka DDSI ee ka shaqo galay  gobolka siti  ayaa ka warbixiyay  kormeerkii shaqo ee ay ku soo mareen xarumaha caafimaadka degmooyinka gobolka siti ,taakulayntii iyo taageeradii ay siiyeen xarumaha caafimaadka gobolka siti, gol-daloolada ay soo arkeen iyo sidii loo gufayn lahaa gol-daloolada jirta    si  bulshada qaybaheeda kala duwan ay xarumaha caafimaadka iyo rugaha caafimaadka uga helaan adeeg tayaysan oo  deg deg ah.

Comments are closed