EPRDF oo Eedeyn u jeediyay dadkii Mas’uulka Ka Ahaa khilaafaadka, Dhimashada, Barakaca,

Addisababa (estvlive) 30/10/2017

Xisbiga talada haya ee dalka Itoobiya EPRDF aya kulan degdeg ah yeeshay kaasoo la xidhidha isku dhacyada qowmiyadaha dalka itoobiya sidii ooga hortagi lahaa islamarkaana loo xakameyn lahaa.

Xisbiga EPRDF ayaa awooda dalka gacanta ku haya waxeyna isku raaceen maanta in laga hortago shaqsiyaadka daka khalkhal galinayaan islamarkaana khilaafaadyo ka dhax abuuraya qowmiyadaha walaalaha ah.

Gudiga labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa dib-u-habeyn buuxda ku sameeyay jihooyinka hormarineed ee geeddi socodka waxeyna xuseen shakhsiyaadka ka qaybqaatay dagaalada kaasoo naf iyo maalba waxyeelo u gystay waxeyna guddiga sheegeen in dhammaan dadka mas’uulka ka aha inta aan maxkamaddu loo darin laxisaabiyo. 

Guddiga ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dhamaan hayadaha dawlada in ay raad raacaan dhamaan shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay musuqmaasuqa, khilaafaadka, iyo shabakadaha sharci-darrada ah, maadaama ay yihiin darawallada ugu waaweyn ee isku dhaca. 

Iskahorimaadyadu ka dhaceen qaar kamid ah deegaanada taasoo aan xisbaga EPRDF amrna aan aqbaleynin dhimashadii, barakaca dadka iyo waxyeelada iyo hantidooda luntay, waxay u mahadnaqayaan hoggaamiyayasha diimeedka iyo hogaamiyayaasha qabiilka iyo sidoo kale bulshooyinka iyo waxgaradka dadaal xoogan u galeen in xaalada deegaanada xasilooni ku soo dabaaleen.

Ugu dambeyntii xisbiga ayaa qimeyn ku sameyn doona iyo isla xisaabtan islamarkaana waxeyna qiimeyn doonaan hawlaha lasoo qabtay si loo xaqiijiyo dib-u-habeyn si loo helo horumar waxayna hoosta ka xariiqday baahida loo qabo in la xoojiyo hormarka.

Comments are closed