Prof Jawaari oo Khartuum kula kulmay dhiggiisa dalka Sudan

Khartuum (estvlive) 30/10/2017

Wafdi uu hogaaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari o booqasho ku jooga dalka Suudaan ayaa maanta magaaladda Khartuum ee xarunta dalka Sudaan kulan kula qaatay gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Suudaan.

Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo waddigiisa ayaa lagu soo dhoweeyay xarunta Baarlamaanka ee dalka suudaaan, waxaana labada guddoomiye ay ka wada hadleen xiriirka labada dal gaar ahaan iskaashiga iyo wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Sidoo kale waxaa ay labada dhinac wada qaateen kulan ay goob joog ahaayeen xildhibaano ka tirsan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sudaan, waxaana kulanka looga hadlay sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen, dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dejinta shuruucda Baarlamaanada labada wadan ,

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in sidoo kale ay labada guddoomiye ka wada hadleen isdhaafsiga qubaro dhinaca sharciga ah

Comments are closed