Dad Miino la sheegay in ay Aasayeen kula Qaraxday degmada Balcad

Balcad (estvlive) 31/10/2017

Wararka ka imaanaya Tuulada Basra ee degmada Balcad gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay saqdii dhexe laga maqlay Qarax aad u weyn.

Miinada ayaa waxa ay ku qaraxday afar qof oo la sheegay in ahaayeen dadkii dhigayay, kuwaasi oo isla goobta ku naf waayay, waxaana saakay jirkooda oo go’go’ay lagu arkay goobtii uu Qaraxa ka dhacay.
Waddada la doonayay in lagu Aaso Miinada ayaa ah waddo muhiim u ah isku xirka degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Ururka Al-shabaab ayaa inta badan waxaa ay waddadan Qaraxyo kula beegsadaan kolonyada ay wataan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Comments are closed