Madaxweyne Farmaajo : Dalku muddo 10 sano ka badan ayuu dagaal ku jiraa

Muqdisho (estvlive) 31/10/2017

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay shirka dowladda federaalka iyo madaxda dowlad gobolleedayda ayaa si gaar ah khubadiisa diirada ugu saaray xaalada dalka iyo qorshaha dowladda ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa u sheegay madaxda dowlad gobolleedyada in ay waajib ku tahay ka shaqeynta Midnimada iyo soo celinta rajada shacabka.

Waxaa uu ku cel celiyay wadashaqeyn dhex marta dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, waxaana uu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka aanay ogeyn in dalka dagaal ku jiro, isla markaana uu muddo 10 sano uu dagaal ku jiray.

“Aniga dagaal waa iclaamiyay, laakiin 10 sano ka badan ayuu dalkaan dagaal ku jira, dad badan aanay ogeyn in dalka uu dagaal ku jiro”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa dhawaan ku baaqay in dalku gallay xaalad dagaal, loogana baahan yahay shacabka in ay isku bar bartaagaan ciidamada howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Comments are closed