Tababar Ku Saabsan Sii Xoojinta Hawlaha Nabadgalyada Oo Ka Furmay Jigjiga,

Jigjiga (estvlive) 31/10/2017

Tababar ku saabsan sii xoojinta iyo adkaynta nabadgalyada, ka hortaga isku dhacyada iyo xalinta khilaafaadka ka  iman kara xuduudaha deegaanka ayaa ka dhacay magaalada jijgiga gaar ahaan madasha  shirarka ee qaryaan dhoodaan.

Tababarkan oo  loo qabtay qaarka mid ah masuuliyiin hay’adaha amniga iyo cadaalada  oo ka socday  6 gobol iyo  22 degmo oo ka mid ah gobolada iyo  degmooyinka deegaanka ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah  ee DDSI  ahna ku simaha hogaanka nabadgalayda maamulka iyo cadaalada DDSI mudane General Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Buraale oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee shacabka DDSI ugu jiraan sidii loo sii joogtayn lahaa loona xoojin lahaa adkaynta nabadgalyada  wuxuuna  sheegay generaalku ahmiyada iyo ujeedooyinka uu tababarkani leeyahay isaga oo sheegay in ay nabadgalyadu tahay tiirka kaliya ee lagu hirgalinayo qorshayaasha horumarka bulshada.  Wuxuuna ku booriyay xubnahan loo furay tababarka in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaystaan si looga midho dhaliyo ujeedooyinka tababarkan.

Tababarkan oo ay soo diyaarisay wasaarada arimaha faderaalka iyo horumarinta deegaanada  xoolo dhaqatada JDFI ayaa waxa uu socondoonaa muddo 3 maal-mood ah

Comments are closed