Xarrakada Al-shabaab oo la wareegay deegaan hoostaga degmada Baraawe

 Baraawe (estvlive) 31/10/2017

 

Xoogagga Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Rasadaay ee duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay isaga baxeen ciidamada AMISOM.

 

Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii isaga baxay Degaanka Rasadaay, iyadoona ay muddo gaaban kadib la wareegeen Shabaabka.

Ciidamada Uganda, ayaan la garanayn ujeedada ay uga baxeen deegaankaasi, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay taliska AMISOM.

Maamulka degmada Baraawe, ayaa waxaa laga soo xigtay in Ciidamada Uganda ay degaankaasi uga baxeen xeelad dagaal, sababo ku aadan ciidamada xogga dalka oo dhaq dhaqaaqyo ka wada gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka reer Baraawe, ayaa waxay sheegeen in Rasadaay ay muhiim u ahayd goobaha laga difaaco deegaanka Baraawe, oo dhawr sano ka hor lagala wareegay Al-shabaab.

Comments are closed