Puntland oo fariin la xiriirta doorashada u dirtay Soomaaliland

Puntland (estvlive) 03/11/2017

Maamulka Puntland ayaa uga digay Soomaaliland in Sanaadiiqda codbixinta ee doorashada la geeyo deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, oo Puntland ay sheegtay in ay maamusho.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Cali (Qarjab) ayaa sheegay in ay ka digayan in arintaa ay keento dhiig daadda iyo qabqabsi ka yimaada in Soomaaliland ay sanaadiiq keento deegaanada Puntland.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta ayaa maamulka Somaliland ugu baaqay arrintan in ay si ka fiirsasho leh u adeegsadaan, oo ay ka iska ilaaliyaan dagaal iyo kicin bulsho.

Dhinaca kale wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay Somaliland in looga baahan yahay in ay masuuliyad iska saarto in ay si wanaagsan ku qabsato doorashadeeda, oo aysan sababin inuu dhiig daato.

Comments are closed