Tababar Loo Qabtay Macalimiinta Cusub Ee Kuliyadaha TVET ka Lagu Meeleeyay

Jigjiga (estvlive) 04/11/2017

Xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI ayaa kuliyadaha xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta ee deegaanka ku meelayay macalimiin cusub. kuwaasoo ah dhalinyarta u dhalatay deegaanka ee kasooqalinjabisay jaamacadaha dalkeena islamarkaana u bilaabay Tababar lagu kobcinayo garaadkooda aqoomeed.

 

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Tababarada, Xirfadaha Iyo Farsamada Gacanta DDST mudane Naasir Xasan ayaa sheegay in tababarkan ujeedadiisutahay mid kor loogu qaadayo garaadka aqoomed ee macalimiinta cusub ee loogu talagalay kuliyadaha xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta ee deegaanka. wuxuuna xusay wasiirku in xukuumadu ay xooga saartay barashada xirfadha farsamooyinka islamarkaanay ay horay u tidhi in kuliyadaha tababarada xirfadaha loo qaatay dhiig joojinta degdega ah. Wuxuuna tilmaamay in macalimiintan ay masuuliyad wayn saarantahay islamarkaana looga baahanyahay in bulshada gobolada ay kadhigaan kuwo xirfadayaal ah. Iyadoo macalimiintana badankoodu ay yihiin kuwo looqaatay kuliyadaha cusub ee laga dhisay gobolada deegaanka.

Wuxuuna kula dar daarmay wasiirku in macalimiintani ay noqdaan kuwo waajibaadkooda kasoobaxa kadib  markii uu tababarku u dhamaado ee ay tagaan goobaha lagu kala qoray

 

Iskusoowada duuboo, barashada xirfadaha kaladuwan  iyo farsamoyinka gacanta ayaa ah mid ay xukuumada DDSI xooga saartay si loo tirtiro shaqo la’aanta loogana baxo saboolnimada oo wadanku uga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.

Comments are closed