Ogaysiis: Soomaalida Lagasoo Tarxiilay Wadanka Sucuudiga

Jigjiga (estvlive) 05/11/2017

Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan dadka soomaalida ah ee lagasoo tarxiilay wadanka sucuudiga ee ku sugan dhamaan gobolada , Degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka inay iskasoo diiwaan galiyaan wakaalada xidhiidhka arrimaha qurba-joogta DDSI mudo 7 bari ah gudahood.

FG: dhamaan maamulada gobolada, Degmooyinka iyo MM  deegaanka waxaa lagu wargalinayaan  inay arrintaas la socdaan  fudaydiyaana islamarkaana ay kaalinta ugu wayn ka qaataan.

Ugu danbayn waxaa looga digayaa dadka soomaalida ah ee sucuudiga lagasoo tarxiilay inay mudada diwaangalinta ilaaliyaan oo ay wakhtiga loo qabtay iskusoo diwaangaliyaan.

Comments are closed