Trump oo ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya Japan

Mareykanka (estvlive) 05/11/2017

Donald Jey Trump Madaxwaynaha Mareykanka ayaa gaaray dalka Japan lugtiisii ugu horeysay ee booqashada uu ku marayo dalalka Qaaradda Assia hlkaasi oo uu kula kulmayo madaxda wadamada uu tagayo.

Mr Trump oo ciidamada Mareykanka iyo kuwa Japan kula hadlayay saldhiga Yokota oo u dhaw magaaladda Tokyo ee caasimadda dalka Japan ayaa ammaanay isbahaysiga u dhaxeeya Mareykanka iyo Japan oo uu sheegay in uu yahay mid wanaagsan.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa intaa ku darray in militariga ay haystaan dhaqaalihii loo baahnaa si ay nabadda u ilaaliyaan islamarkana ay xorriyadda u difaacaan.

Booqashada madaxwayne Trump ayaa ku soo beegmaysa xilli ay kacsan tahay xiisadda barnaamijka Niyukleerka iyo tijaabada gantaaladda Kuuriyada Waqooyi, welina ma jiraan wax war ah oo uu ka yiri arrintaasi Kuuriyada Waqooyi.

Labada madaxweyne ee Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa horey waxaa ay isku waydaarsadeen hanjabaado iyo hadalo kulul kuwaasi oosaxaafadda adduunku ay isku marinayeen.

Waxaa ay noqon doontaa booqashadii ugu dheereyd ee uu madaxwayne Mareykan ah ku tago dibadda muddo 25 sano ah.

Madaxweyne Trump ayaa Booqashadiisa oo qaadan doonta 11 maalmood waxa uu ku tagi doonaa dalalka Japan, Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha, Vietnam iyo Philippine,isagoo xoojinaya xiriirka kala duwan ee ka dhexeeya wadamadaasi.

Comments are closed