Wasiirka Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha Oo Kawrbixiyay Heerka Uu Marayo Hirgalinta Barnaamijka JEG

Jigjiga (estvlive) 05/11/2017

Wasiirka Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI mudane Axmed Koore oo warbaahinta deegaanka u waramay ayaa sheegay in uu meel fiican marayo barnaamijka Qiimaynta iyo darajo siinta shaqada iyo shaqaalaha ee loo yaqaano JEG. Iyadoo barnaamijkanina 90% uu ka hirgalay hay’adaha dawliga ah ee heer deegaan islamarkaana uu xafiisku ku gudajiro sanadkan 2010 T.I sidii looga hirgalin lahaa dhamaan degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka.

Hadaba, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in barnaamijkani yahay barnaamij aad muhiim ugu ah dhanka shaqada iyo shaqaalaha wax-wayna kataraya tayaynta adeeg bixinta iyo qanaca bulshada deegaanka. iyadoo barnaaijkani uu yahay mid is waafajinaya nooca shaqada iyo cilmiga uu bartay qofku (job-description) waxauuna carabka kudhufaty in sidookale barnaamijku uu si wayn u eegayo dhinaca aragtida shaqaalaha iyo waiba khibrada shaqo ee uu leeyahay.

Iskusoowada duuboo, xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha ayaa sanadihii ugu danbeeyay ku hawlan dhinaca tayaynta iyo tirada cududa shaqaalaha DDSI, iyo waliba xoojinta dhanka isgaadhsiinta casriga ah ee ICT.

Comments are closed