Gaas: Hoggaamiyihii Daacishta Somaliya Waa Ka Badbaaday Duqayntii Gobolka Bari

Garoowe (estvlive) 06/11/2017

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii u horeysay ka hadlay duqeyntii diyaaradeed oo lagu beegsaday horjoogihii Daacish ee Soomaaliya oo kusugan Buuralayda Cal-madow ee gobolka bari.

Xogo ay heleen hay’adaha ammaanka Puntland ayaa ku sheegay Madaxweynaha Puntland  in hoggaamiyihii Daacish  Cabdulqaadir Muumin uu ka badbaaday weerarkii ay Jimcihii Maraykanku u qaadeen buuralayda Gobolka Bari tasi oo isaga lagu bartilmaameedsanayay. waxaa uu tilmaamay in maraykanku uusan la qaybsan xogta weerarkaasi iyo khasaaraha ka dhashay

 

“Dabcan Nimankan hadaysan bartilmaameed la yaqaan haysan kuma duqeeyaan halkaasi Alshabaab ama daacish ayaa joogta, nimanka halkaas jooga oo C/qaadir muumin ugu weynyahay ayuun bay raadinayeen, sida aan xogta ku helayana weli waa noolyahay oo ma dhiman”

Dhinaca kale, Madaxweyne Gaas waxaa uu  soo dhaweeynayay beegsiga lagu hayo kooxda Daacish, isaga oo sidoo kale tilmaamay Daacish in ay yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed,loona baahanyahay in la iska kaashado dagaalka lagula jiro argagixisada.

Comments are closed