Garoowe: Munaasabad Sagootin ah oo Loo Sameeyay Ku-xigeenka UNDP puntland

Garowe (estvlive) 06/11/2017

Madaxwayne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay ayaa xalay u Xaflad Sagootin  xarunta Madaxtooyada Garoowe ugu sameeyay Ku-xigeenkii madaxa hay’adda UNDP Soomaaliya Mr. David Akobayan

Munaasibaddan casho sharafta ah ayaa ujeedkeedu Waxaa uu ahaa  Sagootin uu Madaxweye Kuxigeenku u sameeyey  Mr.David Akobayan oo muddo xiliyeedkii shaqadiisu soo gebogebawdey, islamarkaana loobedelay dalka Suuriya halkaasi oo  noqondoonta fadhigiisa cusub.

Madaxwayne Ku-xigeenka dawladda Puntland ayaa waxaa kuwehelinayay Munaasabadda  Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawladada Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaa sidoo kale qayb ka ahaa sagootinta Mr. David  Madaxda iyo shaqaalaha hay’adda UNDP ee fadhigeedu yahay Magaala Madaxda dawladda Puntalnd ee Garoowe.

Dhinaca kale  Madaxwayne Ku-xigeenka oo munaasibaddaasi casha sharafta ah hadalo kooban kajeediyay ayaa sheegay in Mr. David uu wax badan kaqabtay hawlaha xafiiska UNDP muddadii uu ka ahaa Ku-xigeenka madaxa Xafiiska Soomaaliya, waxaana uu Madaxwayne Ku-xigeenku uga mahadnaqay Mr. David shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay mudadii uu kashaqaynayay Puntland.

Sidoo kale Madaxwayne Camey ayaa ku amaanay Mr. David in uu yahay shaqsi ku suntan shaqo Wanaag daacadnimo karti iyo aqoon, isla markaana uu masuuliyad gaar ah iska saaray sidii uu u dardargelin lahaa una meel marinlahaa hawlihiisa shaqo ee ku aadanaa Fulinta Mashaariicda horumarineed ee hay’adda UNDP ka fulinayso Dawladda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Ku-xigeenka Madaxa hay’adda UNDP  Somaliaya Mr. David ayaa kamahad celiyay Wada shaqayntii Wanaagsanayd ee uu lalahaa hay’addaha Dawladda Puntland iyo Madaxdoodaba, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ka dhexeysay Wada-shaqayn wanaagsan  iyo hufnaan

Ugu danbayn, Madaxwayne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay ayaa kuxigeenka maxadii hore ee xafiiska UNDP Soomaaliya Mr. David gudoonsiiyay  hadiyado isugu jira Shahaado Sharaf iyo sidoo kale abaal marin ahayd hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.

Comments are closed