Wasiirka Amniga Federaalka iyo Wafti uu Hoggaaminayo oo Booqday Wadanka Qadar

Qatar (estvlive) 06/11/2017

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa booqday wadanka Qadar, waxaana uu magaaladda Doha kula kulmay guddoomiyaha ammaanka guud ee dowladda Qatar, Gen Sacad Bin Jaasim Alkhalifim iyo madaxda sare dowladda Qatar.

Wasiirka Amniga XFS, ayaa madaxdaasi kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dhinac iyo arrimo kale oo quseeya dowladdaha Qatar iyo Somalia.

“Waxaan magaaladda Doha kula kulmay guddoomiyaha Ammaanka guud ee dalka Qatar Gen. Sacad Bin Jaasim Alkhalifi & Madaxda sare ee dalka Qatar oo aan ka wadahadlnay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca ammaanka labada dal” wasiir Isloow ayaa Bartiisa facebook-ga sidaasi  kusoo qoray.

Wasiirka ammigu waxaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay dalka Qatar inuu la kulmo masuuliyiin sare iyo saraakiil ciidan, islamarkaana uu kala hadli doono siddii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa nabad gelyada iyo qodobo kale.

Booqashada wasiirka amniga federaalka waxay imaanaysaa iyadoo madaxda federaalka iyo maamul goboleedyadu ay heshiis ku gaaray magaaladda muqdisho. Khilaafka madaxda Soomaaliga waxaa qayb ka ahaa go’aanka dowladdu ay dhexdhexaadka kaga noqotay  xiisada khaliijka, oo maamul goboleedyaduna ay taageereen  xulufada Sucuudiga iyo Imaraadka.

Comments are closed