DAAWO Barlamaanka Puntland oo Ku Baaqay in Laga Hortago Doorashada Somaliland ee Gobolada Sool iyo Sanaag

Garoowe (estvlive) 07/11/2017

Barlamaanka Puntland oo ayaa cod aqbaliyad ah ku ansixiyay go’aan ay ka qaateen waxa ay ugu yeereen farogalinta iyo xadgudubka ay somaliland ku hayso gobolada Sool, sanaag iyo cayn iyo qorshaha  ay ku damacsan tahay inay keento sanaadiikhda Codbixinta ee doorashada madaxtinimada Somaliland

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo ku dhawaaqay Go’aanka barlamaanka, waxaa uu sheegay in kalfadhiga 40aad ee barlamaanku ay soo xaadireen 36 mudane, dhammaantooda ay u codeeyeen go’aanka barlamaanka.waxaana uu ugu baaqay xukuumadda Puntland in ay waajibkeeda gudato oo ay ka hortegto in degaanadaasi ay ka dhacdo doorashada Somaliland

Go’aanka Barlamaanku soo Saaray wuxuu u dhignaa sidatan:-

In xukuumadu si deg deg ah uga howlgasho sidii looga hortagi lahaa, loogana difaaci lahaa doorasho ku sheega.

In  wax doorasho ku sheeg ah ayan ka dhici karin gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, lana sugo amniga xuduudahaas

In xukuumadu gudato waajibaadka dasuuriga ah ee difaacida dalka, kana hortegto faragalinta qaawan ee Somaliland sida uu qabo qodobadka 7aad dastuurka Puntland.

In Xukuumadu soo saarto baaq ku aadan faragalinta Somaliland, ugana digto Beesha caalamka inay ku garab siiyaan.

Ollolaha doorashada madaxtinimada Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay ka socdaan degaamadda ay Somaliland ka taliso oo ay ku jirto xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood. codbixinta doorashadda oo la asteeyay inay qabsoonto 13 bishan November waxaa la filayaa inay ka dhacdo qaybo badan oo ka mid ah goboladda Sool, Sanaag iyo cayn.

Video:Xafiiska Warfaafinta ee Barlamaanka Puntland

Comments are closed