Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Oo Ka Qaybgalay Shirka Dhalinyarada Aduunka

Masar (estvlive) 07/11/2017

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda federaalk Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa  magaalada Sharma el-Sheekh ee dalka Masar wuxuu ka qeyb galayaa shirka dhalinyaradda Aduunka kaas oo looga hadlo xaalada dhalinta iyo sidii looga wacyi galin lahaa arrimaha Tahriibka iyo xagjirnimada oo saamayn wayn ku yeeshay dunida oo dhan.

Ra’iisul wasaaraha ku xigeenka Soomaaliya ayaa kulan hor u dhac ah la qaatay Madaxweyna wadanka Egypt Cabdifatax Al Sisi, iyagoona ka wada hadlay in laga wada shaqeyo sidii la iskaga kaa shan lahaa la dagaalanka iyo cirib-tirka Ururka Alshabaab iyo in la abuuro fursado shaqo iyo kuwo waxbarasho kuwaas oo lagu dhiiri galinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si aysan u dooran fikradaha ku salaysan argagixisada.

Madaxwayne Al Asisi ayaa balan qaaday in uu kordhin doono deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed. Waxuuna cadeeyay in ay taageero dhan walba ah la garab istaagayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona u jeedo iyo dan gaar ah ka lahayn Soomaaliya

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Khader ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qayb gashay shirka, oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Equatorial Gunnie.

Comments are closed