Somaliland iyo Shirkadda DP World oo Heshiis Cusub Kala Saxiixday

Hargeysa (estvlive) 07/11/2017

Maamulka Somaliland iyo shirkadda Imaraadka ee DP World ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo la xiriira Soonka Ganacsiga xorta ah (Free Zone)  oo laga samayn doono magaaladda Berbera sida lagu daabacay shabakada wararka ee GULF NEWS

Heshiiskan oo maalintii shalay ay  Wada saxiixeen  gudoomiyaha shirkada Dp World Md Axmed Bin Sulaymaan iyo wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire, wuxuu dhigayaa in Shirkadda DP World ay wajiga hore ay Berbera ka hirgaliso dhismaha dhul dhan 4 Kiilo-mitir oo isku wareeg ah, kaasi oo ka mid ah dhul dhan 12km oo isku wareeg ah oo dowladda Somaliland ku wareejinayso shirkadda. Soonkan waxaa uu lamid noqon doono loona eekaysiinayaa Suuqa xorta ah ee  ku yaala dekeda Jabal Cali ee Imaaraadka.

” Soonka Xorta ee Ganacsiga ee aanu ka  samayanyo dekeda Berbera, wuxuu ka dhigi doona xarunta ugu weyn ganacsiga Geeska Afrika,  wuxuu soo jiidan maalgalin caalami ah, wuxuu dhiirigalina doona ganacsiga, waxaa kaloo uu abuuri doonaa shaqooyin ay helaan dadka degaanku” sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha shirkadda DP World

Bishii sagaalaad ee sanadkii 2016-kii ayaa shirkada Dp World kud hawaaqday in ay dekeda Berbera ee Somaliland u maalgashan doonto 442 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah,kadib markii ay shirkadu ku guulaysatay heshiis la wareegis shaqo ah oo u ogolaanaya in ay dekeda Berbera ka shaqaysiiso muddo 30 Sano ah.

 

Heshiiska cusub ayaa imaanaya ,iyadoo Somaliland looga dareerayo 13 bishan doorashada madaxtinimada oo ay ku tartamayaan saddex Xisb, Waxaa kaloo heshiiskan ku soo beegmay iyadoo madaxweyne Siilaanyo uu xilka ka degayo.

Comments are closed