Yemen: Xuuthiyiinta oo ku hanjabay duqeynta Madaarada Sacuudiga & Imaaraatiga

Yemen (estvlive) 07/11/2017

Kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta Yemen ayaa war ay soo saareen Isniintii shalay ku sheegay inay gantaalo ku duqeyn doonaan Madaarada ku yaal dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatiga.

Hadalkan ayaa jawaab u ahaa xayiraada cusub ee cirka, dhulka iyo badda oo uu Sacuudiga kusoo rogay dalkaasi Yemen. Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale lacag dul dhigtay hogaamiyayaasha ugu sareeya kooxdaasi Xuuthiyiinta.

Sacuudiga ayaa xayiraadan dul dhigay dalka ay jaarka yihiin kadib gantaalkii ay kooxda Xuuthiyiinta Sabtidii ku tuureen Madaarka caasimada Sacuudiga ee Riyadh.

“…Waxaan shacabka uga digaynaa inay ka fogaadaan Airport-yada ku yaal dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatiga oo hada noo ah yool militari oo aan abaari doono, ha ogaadaan dalalkaasi in gantaaladeena ay hada gaaraan dhulkooda…” ayuu yiri Afhayeenka kooxda Xuuthiyiinta.

Diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay sare u qaaday duqeynta ay ku hayaan dhulka ay ka taliyaan xuuthiyiinta.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa walaac weyn ka muujisay xayiraada Sacuudiga saaray dalka Yemen oo ay sheegeen in ay saameyn ku yeelan doonto dadka tabaaleysa ee mucaawinada u baahan tahay. Diyaaradihii Qaramada Midoobay ee deeqda iyo dhakhaatiirta geyn jiray dalka Yemen ayey hawlahoodii hakiyeen xiritaanka Madaarada Yemen ee uu Sacuudiga soo rogay.

Comments are closed