Zimbabwe: Mugabe oo xilkii ka qaaday Madaxweyne kuxigeenka

Zimbabwe (estvlive) 07/11/2017

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa Isniintii shalay xilka ka qaaday Madaxweyne kuxigeenkiisii Emmerson Mnangagwa oo ay horey u ahaan jireen saxiibo soo wada halgamay.

Xiriirka labada nin ayaa la sheegay in bilihii lasoo dhaafay sii xumaanyey xili u socdo loolan adag oo ka dhextaagan xisbi Xaakimka ZANU-PF iyo cida bedali doonta Mr.Mugabe oo isagu hada ah 93 sano jir.

Mugabe ayaa la raba xilka madaxtinimada inay kala wareegto Xaaskiisa Grace Mugabe oo iyadu hada kamid ah xubnaha ugu awooda badan xisbi xaakimka.

Balse bishii Agoosto ee sanadkan ayey soo shaac baxday in qaar badan oo kamid ah Jeneraalada Militariga dalkaasi ay sheegeen inay doonayaan Madaxweyne kuxigeenka Emmerson Mnangagwa uu noqdo qofka bedali doona Mugabe.

Jeneraalada awooda kuleh dalkaasi ayaa sheegay inaysan ogolaan karin in xilka loo dhiibo shaqsi aan kasoo qeyb qaadan dagaalkii xoriyad doonka dalkaasi ee dhacay sanadihii 70-dii.

Mrs.Grace Mugabe oo iyadu hada ah 50 sano jir ayaan kasoo qeyb qaadan dagaalkii xoriyad doonka ee wadankaasi looga saaray gumeystihii Ingiriiska.

Mugabe iyo kuxigeenkiisa Emmerson Mnangagwa ayaa labaduba kamid ahaa raggii usoo dagaalamay xoriyada wadankaasi. Wuxuuna M/kuxigeenka ahaa ragga faro ku tiriska ah ee ka haray kooxdii xoriyada usoo dagaalamay.

Madaxweyne Mugabe ayaa Sabtidii lasoo dhaafay markii ugu horeysay goob fagaaro ah ka aflagaadeeyey kuxigeenkiisa isagoo ku sheegay nin aan daacad ahayn. Maalin kadib Axadii lasoo dhaafay ayey sidoo kale Xaaska Mugabe Mrs.Grace Mugabe ay khudbad ay jeedineysay ku eedaysay Madaxweyne kuxigeenka inuu abaabulayo inqilaab isla markaana uu yahay nin aan la aamini karin.

Wasiirka Warfaafinta ee dalkaasi Simon Khaya Moyo oo Isniintii shalay shaaciyey in xilka laga qaaday M/kuxigeenka ayaa sheegay in mas’uulkaasi uu kasoo bixi waayey hawshii loo igmaday isla markaana ay soo baxday inuusan daacad u ahayn hogaanka dalka iyo xafiiska uu hayey.

Comments are closed