Dowladda Soomaaliya oo $ 1 million oo dollar ugu deeqday dadkii ay wax yeelada ka soo gaartay Qaraxii Zoobe

Muqdisho (estvlive) 08/11/2017

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay ka sheegay munaasabad lagu qabtay xarunta dowladda hoose in lacag dhan $ 1 million oo dollar dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii 14kii October ee sanadkan ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah [Berri] si toos ah lacagta ay balanqaaday dowladda loogu soo shubi doono Akoonka guddiga Gurmadka Qaranka.

Sidoo kale waxaa lacago ku deeqay qaar ka mid ah maamul gobolleedyada oo dhaqaale ay iska oo ururiyeen sheegay in ay ku wareejinayaan guddiga howlan u gurmashada dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii Zoobe.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Qaraxii Zoobe ay ka danbeeyeen sida uu hadalka u dhigay dad bulshada Soomaaliyeed ka tirsan oo raba ayuu yiri in shacabka la baabi’iyo, sidaa daraadeed waxaa ugu baaqay dowladda iyo shacabka intaba in loo istaago sidii arintaan looga hortagi lahaa.

Comments are closed