Cabdwali Gaas’’ Mashruuca ballaarinta Dekedda Boosaaso waa uu soconayaa

Garoowe (estvlive) 09/11/2017

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay markii ugu horeysay qalalaasaha ka taagan Dekedda Boosaaso ee gobolka Bari.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in la sii wadi doono mashruuca dhismaha dekedda Boosaaso, isaga oo sheegay in ay jiraan shaqsiyaad dano gaar ah leh oo sida uu hadalka u dhigay sii hurinaya arrinta dekedda Boosaaso.

‘’ Arrinta Dekeda haddii aan ka hadlo, waa hormar in Dekedda dib u dhis iyo ballaarin lagu sameeyo, haddii la doonayo in wax walba sidii ay ahaan jireen iska sii ahaadaan taa socon meyso, marka shaqsiyaad dano gaar leh oo raba in ay bulshada cuuryaamiyaan looma joojiynayo ayuu yiri’’ madaxweyne Gaas.

Laakiin Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in maamulka Puntland diyaar u yahay haddii ay jiraan ganacsato cabasho qabto, balse aan la aqbali doonin sida uu hadalka u dhigay in leys hortaago hormarka socda.

‘’Howsha Dekedda ka socta waa howl xukuumada iyo baarlamaanka Puntland intaba ogolaasho looga heysto oo sharci ah, marka cid kale oo ka hor iman karta ma jirto, haddiise ay jiraan ganacsato iyagu cabasho kale oo gaar ah qaba waan la fariisaneynaa waana lala hadlayaa ayuu sheega Cabdiwali Gaas.

Todobaad ka hor magaalada Boosaaso dibadbax ka dhacay oo ka dhan ah Dekeda Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay Laba qof, halka sidoo kalena uu dhaawac ka soo garay qof kale oo rayid ah.

Comments are closed