Wasiir Khadar oo Casho Sharaf loogu Sameeyay Dalka Sweden (SAWIRRO)

Stockholm (estvlive) 09/11/2017

Wasiirka Ganacsigga iyo gaadiidka DDSI ahna Madaxa arimaha Xisbiga, Mudane Khadar Abdi Ismail iyo lataliyaha Ganacsiga iyo Gaadiidka, Mudane Abdi Khaliif (Dhoonbe). ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay jaaliyadda DDSI ee ku nool magaalladda Stockholm ee caasimada dalka Sweden.

Wasiir Khadar ayaa u mahadceliyey shaqsiyaadkii suurtageliyey Casho sharafta wuxuuna u sheegay in wafdi ka socda dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ay dhawaan soo gaari doonaan yurub kaasoo horey loo sheegay lakiin ay dib u dhaceen.

Kulanka oo ahaa is-xog-wareysi, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay  qunsulka safaarada dawlada federaalka itoobiya u fadhiya dalka sweden Mudane Dr Xussen Axmed. iyo gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI Sweden Mudane Xayi Maxamuud xubno kale oo ka tirsan Jaaliyadda DDSI ee Sweden.

Mahadcelin kadib, Wasiir khadar ayaa jaaliyadda warbixin ka siiyay Kulankii uu la galay  halka ay maanta taagan tahay dawlad deegaanka Somalida Itoobiya iyo shaleyto halkii ay taagneyd waxaana uu ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan  horumarka ay hiigsaneyso DDSI.

Wasiir Khadar waxaa uu sheegay in jaaliyadda DDSI ee Sweden ay wataan magac cuslus loona baahanyahay in ay muujiyaan wanaaga ay leedahay dowlad-wanaaga.

Ugu danbayntii wuxuu jaaliyadda DDSi ee ka codsaday inay maalgashi ku sameeyaan dawlad deegaanka Somalida Itoobiya.

 

Comments are closed