AMISOM oo beenisay in cabsi ka jirto garoonka diyaaradaha Aada Cadde iyo xarunta Xalane

Muqdisho (estvlive) 10/11/2017

Howlgalka midowga Africa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in Al-shabaab qorsheynayaan in ay weeraraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada AMISOM.

Afhayeen  u hadlay ciidamada midowga Africa ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab soo weerari karin sida uu hadalka u dhigay garoonka diyaaradaha Aadan iyo Cadde iyo xarunta Xalane oo Amnigooda siweyn loo ilaaliyo.

Sidoo kale waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Al-shabaab qorsheynayaan in Gadiid ay leeyihiin ciidamada AMISOM u adeegsadaan weerarka la qorsheynayo in lagu qaado garoonka diyaaradaha xarunta Xalane.

“Al-shabaab ma soo weerari karaan garoonka diyaaradaha iyo  xarunta Xalane, Aamaanka garoonka wuxuu yahay mid la isku haleyn karo, diyaaradaha kuwa imaanayay iyo kuwa duulyay si caadi ah ayay u shaqeynayaan, tan kale Annaga weli nama aysan soo gaarin wararka sheegaya in Al-shabaab ay garoonka ku soo weerarayaan Gawaari AMISOM ay leedahay.” ayuu yiri sarkaalkan u hadlay howlgalka midowga Africa AMISOM.

Arrintan ayaa imaneysa kaddib markii maalintii shalay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida wax ka qoreen cabsi la sheegay in ay ka taagan tahay xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho oo Al-shabaab ay qorsheynayaan in ay ku weeraraan gadiid ay horay uga qabsadeen ciidamada AMISOM waa sida hadalka loo dhigay.

Comments are closed