DAAWO Madaxweyne Farmaajo oo Daahfuray Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir

Muqdisho (estvlive) 11/11/2017

 

Madaxwenaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha shacabka, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayay Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir, kaasi oo ka dhacday xarunta dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Xafladda waxaa kaloo ka qeybgalay qeybaha kala kuwan ee bulshada, fanaaniin, ciidamada qalabka sida iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhacdadii xanuunka badneyd ee 14-kii October uu ahaa musiibo Qaran, waxaana uu intaa ku daray dhallinyarada inay gacan ka geysteen sidii ay walaalahood ugu gurman lahaayeen.

“Dhallinyarada, dhaqaatiirta, kalkaaliyeyaasha caafimaadka, kooxaha gurmadka deg dega iyo dhamaan qeybaha bulshada waxa ay u istaageen sidii la isugu gurman lahaa, furitaanka shir-wareegga Ololaha Nabad gelyada Degmooyinka Gobolka Benaadir waxa uu wax badan ka qaban doonaa xoojinta Nabad gelyada” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha ayaa xusay in bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Madaxda dalka inay qeyb ka noqdaan shir wareegga uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Benaadir, gaar ahaan golaha Wasiirada in ay ka qeyb galaan shir wareegga degmada lagu qabanayo ee uu Wasiirku deganyahay.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay qiiro gelisay markii uu arkay dhalinta isugu timid shirka, oo madaxda u soo gudbisay fariimaha xambaarsan sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa sugidda amniga.

“Dalkan waa dal isku filnaan kara, haddii si sax ah looga faa’iideysto kheyraadka ku jira dalkeena, waxkasta oo naga halaabaya waxaa sabab u ah Nabadgelyo la’aanta, marka waxaa loo baahanyahay inaan is xoreyno, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha isku tashato” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha  Marwo Khadiijo  ayaa xustay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saareyso sidii loo heli lahaa bankiga dhiiga lagu keydiyo, waxaana ay intaa ku dartay inay soo gaartay kaalmo lacageed oo dhan 36,725, dollar oo ay soo gudbiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, saxaafadduna ay la wadaagi doonto.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo daah furay shir wareegga Ololaha Nabadgelayda Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalad dagaal,

“Dalkan waxa uu ku jiray toban sano xaalad dagaal, shacabka waxaa laga rabaa inay gacan siiyaan ciidanka oo ay taageeraan dowladooda” ayuu yiri Madaxwene Farmaajo oo xusay in shacabka iyo madaxdooda ay ku dhex jiraan kuwa danleey ah oo aan dooneynin in dalka uu horumar gaaro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad caado ka dhigtay inaysan dalka ka hanaqaadin dowladnimo, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu aysan ogolaan doonin in bulshada la geliyo qal qal siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in musiibadii 14-kii dhacday ay keentay in dowladdu ay marti geliso shirkii ay ka qeyb galeen Madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo la isku afgartay in si wada jir ah dalka looga xoreeyo cadowga dhibaateynaya Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa doorkii dhallinyaradu ay ka qaateen musabadii dalka ka dhacday oo ay sameeyeen gurmad Qaran, oo ay isugu soo baxeen inay dalkooda ka xoreeyaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

“Waxaa noo balan ah inaad dalkaan xoreysaan, inaad qalinka dhigtaan oo aad gacmaha isqabsataan oo aad doorkiina ka xoreynta cadowga ah qaadataan” ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

Comments are closed