Federaalka iyo maamulada dalka oo ka tashanaya dhismaha Golayaasha Deegaanka

Muqdisho (estvlive) 11/11/20117

Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada xubnaha ka ah Federalka ayaa kulan uga furmay magaalada Muqdisho uga wadahadlaya dhismaha Golayaasha Deegaanka ee wadanka.

Shirka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ah mid diirada lagu saarayo sidii lagu heli lahaa maamuladii degmooyinka iyo golayaashooda taasi oo muhiim u ah fidinta maamulka iyo doorashooyinka la filayo inay mustaqbalka dalka kadhacaan.

Marka laga reebo Maamulka Puntland oo iyadu horey u dhisatay maamulada degmooyinka, ayaa hadana maamulada kale ee xubnaha ka ah Federaalka ay rajeenayaan inay iyaguna dhameystiraan dhismaha Golayaasha Deegaanka, arrintan ayaa waxaa caqabad weyn ku ah kooxda Al Shabaab oo gacanta ku heysa deegaano badan oo ka tirsan maamulada Galmudug, Hirshabeele, K-Galbeed iyo Jubbaland.

Degmada Xudur ee Gobolka Bakool (Koonfur Galbeed), ayaa ah mida kaliya ee illaa iyo hada maamuladaasi lagu guuleystay in laga dhiso Golaha deegaanka oo ka kooban 27 xildhibaan.

Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ayaa sheegay in deegaanadda qaar aysan suurto gal aheyn in xiligan laga sameeyo Gole Deegaan xaalad Amni awgeed, balse Deeganada kale ee xorta ah loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu dhisi lahaa nidaamkii maamulada degmooyinka.

Comments are closed