Mareykanka oo digniin ka soo saaray fargalin Lubnaan lagu sameeyo

 Mareykanka (estvlive) 11/11/2017

Xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa uga digay dalalka dariska la ah Lubnaan inaysan colaad ka hurin Lubnaan, kadib markii xiisad ay ka dhalatay iscasilaadii ra’iisal wasaarihii Lubnaan, Sacad Alxariiri.

Mr Tillerson ayaa sheegay in maleeshiyaadka kooxaha hubeysan ee shisheeye aysan gudaha Lubnaan uga furneyn dowr faragalineed oo sharci ah, isaga oo hadalkaasi uga dan lahaa xulafada Lubnaan ee, iyo kooxda hubeysan ee Shiicada ah ee Xisbulaah.

Ra’iisal wasaare Xariiri ayaa six un u dhalleeceeyay labadaba kaddib markii uu uga dhawaaqay inuu iscasilay Sacudi Carabiya.

Xisbulaah ayaa sheegeysa in Sacudi Carabiya ay xirtay Mr Xariiri ayna ku qasabtay inuu iscasilo. Basle Mr Tillersio ayaa sheegay in loo xaqiijiyay in Mr Xariiri aanan la xirin Marakankuna uu taagersan yahay dowlada madaxbanaan oo ah Lubnaan.

Xogahayana guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterras, ayaa ka digay colaad hor leh oo ka dhalata Lubnaan ay cawaaqib xun ka dhalan doonto.

BBC

Comments are closed