Puntland oo lagu wareejinayo Askari dhibaato u geystay Gabar Soomaaliyeed

Kismaayo (estvlive) 11/11/2017

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Jubbada hoose ee maamulka Jubbaland  G/Sare Maxamed Naasir Guulleed ayaa sheegay in ciidamada Puntland ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan Askari ka tirsanaa ciidamada Puntland oo Gabar Soomaaliyeed Xabad uga dhuftay xubinta Taranka kaddib markii ay ka diiday sida la sheegay in uu Kufsado.

Askariga oo magaciisa lagu sheegay C/risaaq Warsame Axmed ayuu sheegay taliyaha in ay gacanta ku soo dhigeen kaddib markii ay helleen xog ku saabsan halka uu ku dhuumaaleysanayay.

‘Waxaan arrintan siweyn uga mahad celineynaa madaxweynaha maamulka Jubbaland oo tan iyo markii uu soo baxay warka ku saabsan in Askarigan uu soo gallay Kismaayo kana soo baxsaday Boosaaso aan marnaba Talleefoonka dhulka dhigin oo ciidamada howlgalka baadigoobka ah ku jiray intaa daba socday ilaa gacanta lagu soo dhigo danbiilaha’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada booliiska Puntland.

Taliyaha ayaa sheegay Askarigan lagu wareejinayo maamul gobolleedka Puntland oo markii horeba uu ka soo baxsaday si halkaa loo maxkamadeeyo.

Gabadha la sheegay in uu rasaasta ku dhuftay Askariga oo lagu magacaabo Fa’iso ayaa haddalagu daweynayaa Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Comments are closed