SYRIA: Daacish oo dib u qabsatay dhul horey looga saaray

Siiraya (estvlive) 11/11/2017

Wararka maanta oo Sabti ah ka imaanaya dalka Siiriya ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay dib ulla wareegtay gacan ku heynta qeybo badan oo kamid ah magaalada al-Bukamal oo ay dowlada Siiriya sheegatay inay ka xoreysay kooxdaasi.

Magaalada al-Bukamal ayaa kamid ah gobalka Deir Az Zor ee bariga dalkaasi, waxayna ahayd magaaladii ugu danbeysay oo kooxda Daacish gacanteeda ka baxda. Magaaladan ayaa saaran xaduuda ay wadaagaan dalalka Siiriya iyo Ciraaq.

Dagaalka ka socda magaaladaasi maalmihii lasoo dhaafay ayaa ahaa mid ay ka qeyb qaadanayeen ciidamada dowlada Siiriya oo gacan ka helaya maleeshiyaadka Xisbullaha ee Lubnaan ka yimid, halka dhinaca xaduuda Ciraaq ay Daacish kala dagaalamayeen ciidamada Dowlada Ciraaq oo ay wehliyaan maleeshiyaad Shiico ah.

Militariga Bashar Al Assad ee Siiriya ayaa khamiistii shir jaraa’iid ku shaaciyey inay gebi ahaan magaaladaasi ka xoreeyeen kooxda Daacish.

Balse maleeshiyaadka Daacish ayaa la sheegayaa in magaaladaasi kusoo qaadeen weeraro rogaal celis ah isla markaana maanta oo sabti ah la sheegayo inay dib u qabsadeen 60% xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi.

Kooxdaasi Daacish ayaa Jimcihii shalay Internetka ku faafiyey filimaan laga soo duubay duleedka magaaladaasi al-Bukamal oo ah magaaladii ugu danbeysay oo ay Daacish ka talin jirtay.

Comments are closed