Wasiirka Gaashaan dhiga dalka Itoobiya oo digniin Soo Saaray (Warbixin)

Addisababa (estvlive) 11/11/2017

Wasiirka gaashaan dhiga dalka Itoobiya ahna gudoomiyaha golaha ammaanka iyo nabadgalyada qaranka mudane siraaj fegeesa ayaa shaleyto kulan layeeshay dhamaan masuuliyiinta ugu sareysa deegaannada dalka Itoobiya.

Wasiirka siraaj ayaa si kulul u cambaareeyay kooxda mudaaharaadyada ka dhigaya dalka islamarkaana ay ka dambeeyaan koox nabad-diid ah oo calan muujinaya in ay taageerayaan koox ka soo horjeeda federaalisamka iyo sinaanta ka jirta dalka.

Wasiirka siraaj ayaa sheegay in go’aan kama dambeys ah xukuumadda federaalka ay gaartay waxeyna taloobooyin cadcad lagu qaadi doonaa kooxaha ku dhax dhuumaaleysanayo dalka sharciga la horkeeni doono.

Hadalkan wasiirka gaashaan dhiga dalka Itoobiya ayaa aad loo soo dhaweeyay dawlad deegaanka somalida itoobiya ayaa ah dawlad deegaan aan marna ka soo horjeedin federaalisamka islamarkaana loo baahan yahay in lala xisaabtamo deegaannada kale ee dhibka ka jira lajoogo waqtigii talaabooyin sharciga ah laga qaadi lahaa.

Comments are closed