Weerar Drone oo ka dhacay Basra, Shabeelada Dhexe

Muqdisho (estvlive) 11/11/2017

Ugu yaraan 13 kamid ah maleeshiyaadka Kooxda Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen duqeyn ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone.

Weerarkan duqeynta ah ee ka dhacay deegaanka Basra ee gobalka Shabeelada Dhexe ayaa lagu soo beegmay maalmo kadib markii ay dhulkaasi ku dagaalameen ciidamada Dowlada Federaalka iyo kooxda Al shabaab.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaq ka waday gobalada Shabeelada Dhexe iyo Hoose, hawlgaladaasi oo horudhac u ah duulaanka ay dowlada Soomaaliya damacsan tahay inay ku wiiqdo awooda kooxda Al shabaab oo weli gacanta ku heysa dhulka ku hareeraysan caasimada Muqdisho.

Kooxda Al Shabaab ayaan weli ka hadlin ragga looga dilay duqeyntii xalay ka dhacday deegaanka Basra, balse waxaa la filayaa in lala beegsaday Saraakiisha kooxdaasi ee deegaankaasi.

Maraykanka oo sheega inuu gacan kasiinayo dowlada Soomaaliya la dagaalanka Al shabaab ayaa sanadkan bilaabay qorshe cusub oo la xariirta duqeynta ay la beegsadaan Al Shabaab.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa hada bilaabay inay bartilmaamsadaan Saraakiisha dhexe ee kooxda Al Shabaab, halka ay sanadihii hore weerarada noocaan ah ay la beegsan jireen oo kaliya Saraakiisha Sar sare ee Al Shabaab.

Xukuumada Dowlada Trump ayaa ku tilmaamtay koonfurta Soomaaliya goob dagaal isla markaana awood u siisay saraakiisha ku sugan Africa Command inay u madax banaan yihiin amarada ku aadan duqeynta diyaaradaha Maraykanka geystaan koonfurta Soomaaliya.

Comments are closed