Dowladda oo sheegtay in cabsi dhinaca Amniga ah ka jirin Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

 Muqdisho (estvlive) 2/11/2017

Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in uu jiro weerar Al-shabaab la damacsan yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Xarunta Xalane, ayaa waxaa arintaa beenisay dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlaha garoonka diyaaradaha caadi u socdaan.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa warbaahinta u sheegay in wax cabsi ah ka jirin garoonka howlihiiisiina caadi u socdaan.

“Amniga Garoonku waa uu wanaagsan yahay, wax cabsi ah ma jirto, shaqada sideeda u socotaa, garoonka habeen iyo maalin ayuu shaqeeyaa, Sabti kasta shir looga hadlayo amniga garoonka ayaa qabanaa”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

Dhinaca kale Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde Cabdi Ashkir Jaamac ayaa sheegay in  si gaar ah loo xiray qeybta Xalane ee Garoonka isaga oo sababtay ku sheegay ballaarinta iyo dib u habeynta ku socta garoonka.

Ammaanka xarunta Xalane oo saldhig u ah ciidamada AMISOM iyo Safaaradaha Ajnabiga ayaa siweyn loo adkeeyay kaddib markii uu soo baxay warku saabsan uu jiro weerar Al-shabaab qorsheynayaan in ay ka fuliyaan xarunta Xalane iyaga oo adeegsanaya gadiid ay horay uga qabsadeen ciidamada AMISOM.

Comments are closed