Ra’iisal wasaare Kheyre oo dalbaday in lagu gacan siiyo dowladda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Muqdisho (estvlive) 12/11/2017

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo maalintii shalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga oo ay ka qeybgalleen Wakiillo ka kala socday beesha caalamka ayaa dalbaday in laga gacan siiyo dowladda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Kheyre ayaa beesha caalamka u sheegay in ay jirto fursad looga adkaan karo Al-shabaab madaama sida uu hadalka u dhigay shacabka Soomaaliyeed diyaar u yihiin in ay is barbar taagaan ciidamada, sidaa daraadeed beesha caalamka looga baahan yahay in ay ciidamada ku gacan siiyaan kaalmada ay u baahan yihiin.

Ra’iisal wasaaraha ayaa uga mahad celiyay wadamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay kaalin mug ka qaataan dagaalka lagu jiro Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid siyaasadeed u jiheysay dagaal ka dhan ah Al-shabaab kaddib qaraxii 14kii October ee sanadkan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Comments are closed