DAAWO: RW Itoobiya, Hailemariam oo Qurbajoogta Qatar Kulan Xaleyto Layeeshay (SAWRRO)

Qatar (estvlive) 14/11/2017

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa xaleyto kulan la yeeshay qurbajoogta ku dhaqan dalka Qadar ee magaalada Dooxa.

Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn ayaa wafdiga uu hogaamin waxaa ku wehlinayay wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Workneh Gebeyehu, wasiirka gaashaanigga Mudane Siraj Fegessa, iyo masuuliyiin kale.

RW Hailemariam Desalegn ayaa qurbajoogta uga warbixiyay xalada guud ee dalka islamarkaana kaalinta qurbajoogta dhanka maalgashi loo baahan yahay in laxoojiyo.

Waxaana ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan jaaliyadda DDSI ee dalka Qatar uu hogaaminayo gudoomiyaha jaaliyadda DDSI Mudane cabdi samad waxaana halkaasi fursadooyin la siyay xubnaha ka soo qeybgalay kulanka in ay weydiiyaan sulaalo RW Hailemariam.

Ugu dambeyntii  Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa kulamo la yeelan doono qurbajoogta dalka itoobiya islamarkaana wadamo qorsheysan in uu tago.

Comments are closed