Falastiin oo beenisay War ay Faafisay Warbaahinta Israel

Falastiin (estvlive) 15/11/2017

Maamulka Falastiin ayaa beeniyey warar ay faafiyeen warbaahinta Israel oo sheegtay in Boqortooyada Sacuudiga ay ka codsatay inuu xilka iska casilo Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas.

Warkan ayaa lagu soo beegay safar uu Hogaamiyaha Falastiin ku tagay dalka Sacuudiga.

Isra’iiliyiinta ayaa warbaahintooda ku faafiyey in Sacuudiga uu cadaadis saarayo Maxamuud Cabaas Madaxweynaha Falastiin inuu aqbalo qorshaha cusub ee waan waanta nabadeynta laga dhex wado Falastiin iyo Israel oo ay dooneyso Xukuumada Maraykanka ee Donald Trump ama inuu xilka iska casilo.

Warbixinada Israel baahisay ayaa waxaa kamid ahaa in Sacuudiga si weyn uga carooday booqasho ay Xubno ka tirsan Xisbiga Falastiin ee Xamaas ay ku tageen caasimada Iran ee Tehran, Xamaas ayaa dhawaan heshiis la gashay xisbi xaakimka Falastiin ee PLO oo uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamuud Cabaas.

Afhayeenka Madaxweynaha Falastiin ayaa wararkan ku tilmaamay kuwo ah dacaayad ay Israel dooneyso inay isaga horkeento Falastiiniyiinta iyo Sacuudiga, wuxuuna sheegay safarka Madaxweynaha Falastiin ee Riyadh uu yahay mid si fiican u dhacay isla markaana labada dhinac ay ka mideysan yihiin siyaasadooda ku aadan sidii ummada Falastiin u heli lahaayeen dal u gaar ah.

Wararkan ayaa kusoo beegmay xili ay dowlada Sacuudiga ay cadaadis saareyso dalalka gobalka oo ay dooneyso inay Sacuudiga uga danbeeyaan siyaasada ka dhanka ah dowlada Iran.

Raysalwasaaraha Lubnaan Sacaad Hariri ayaa bishan horaanteedii si kadis ah u sheegay inuu xilka iska casilay isagoo safar shaqo ku jooga magaalada Riyadh, waxaana la sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay ku cadaadisay inuu xilka isaga dego kadib markii ay ku heshiin waayeen qaabka loo wajahayo xisbiga Shiicada Lubnaan ee Xisbullah ee ka qeyb qaatay dagaalada lagula dagaalamayo xoogaga Sunnida ah ee ka dagaalamaya wadanka Siiriya.

Comments are closed