Raysalwasaare Kheyre oo booqanaya degmada Baraawe

Baraawe (estvlive) 15/11/2017

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federasliga ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa ka duuley garoonka Muqdisho, waxaana safarkoodu ku jeedaa degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Konfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Adam ayaa ka horeeyey wefdga Raysalwasaaraha, waxaana ay saakey diyaarad ka qaateen magaalada BAydhabo ee xarunta kumeel gaar ah ee Koonfur Galbeed.

Ujeedada socdaalka Raysalwasaaraha ayaa ah isku dubaridka hawlgalka ka dhanka ah al-Shabaab ee ka bilowdey Shabeelada Hoose. Raysalwasaaraha ayaa kulan la qaadan doona saraakiisha AMISOM ee ku sugan Baraawe iyo Taliyaasha ciidanka Dowladda, waxaana laga hadlayaa sidii magaalooyinka la isugu furi lahaa.

Al-Shabaab ayaa ku xooggan gobolka Shabeelada Hoose, waxaana kala go’doonsan magaalooyinka gobolkaas intiisa badan.

Comments are closed