Sacaad Hariri oo sheegay inuu dalkiisa ku noqon doono

Lubnaan (estvlive) 15/11/2017

Dowlada Lubnaan ayaa weli codsaneysa in Raysalwasaarihii xilka iska casilay ee Sacaad Hariri uu dib ugu soo noqdo dalkiisa isagoo weli ku sugan magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Sacaad Hariri ayaa magaalada Riyadh kula kulmay wafdi ka socday hogaanka Kirishtaanka dalka Lubnaan iyo xubno kale oo u yimid wadanka Sacuudiga si ay u arkaan hogaamiyaha xilka iska casilay.

Hariri ayaa sidoo kale bartiisa twitter ku qoray inuu dhawaan dib ugu noqon doono dalkiisa.

Madaxweynaha Lubnaan ayaa diiday inuu aqbalo iscasilaada Hariri isagoo codsaday inuu kulan fool ka fool ah la yeesho Raysalwasaaraha xilka ka degaya kahor intuusan aqbalin iscasilaadiisa.

Dowlada Sacuudiga ayaa la rumeysan yahay inay ku cadaadisay Sacaad Hariri inuu xilka isaga dego, kadib markii ay ku dhaliishay xiriirka fiican oo uu la leeyayay Xisbiga Xisbullah oo awood ku dhex leh dowlada Lubnaan.

Boqortooyada Sacuudiga oo iyadu maalgelin jirtay Xukuumada Lubnaan iyo waliba Qoyska reer Hariri oo hanti badan kuleh Sacuudiga ayaa la sheegay inay wado qorshe ah in Sacaad lagu bedalo nin walaalkiis ah, balse arrintaasi ayaa waxaa kasoo horjeeda Xisbiga Sacaad Hariri ee Sunnida Lubnaan.

Iscasilaada Sacaad Hariri ayaa khal khal weyn ku keentay dowlada Awood qeybsiga ah ee Lubnaan oo muddooyinkii danbe ka badbaaday is qabqabsigii badnaa ee ka dhex taagnaan jiray sadexda quwadood ee dowladaasi ku bahoobay, kuwaasi oo kala ah Sunnida, Shiicdada iyo Masiixiyiinta Lubnaan oo u arka Sacaad Hariri hogaamiyaha kaliya ee Sunnida oo isku heyn kara xukuumada hada jirta.

Comments are closed