Shirkii ASEAN oo aan lagu soo hadal qaadin xasuuqa Muslimiinta Rouhinga

Philippine (estvlive) 15/11/2017

 

Qoraalkii laga soo saaray shirkii maalmahan u socday hogaamiyayaasha dalalka Koonfur-Bari Aasiya ayaan looga hadal dhibaatada weyn ee ka taagan dalka Myanmar iyo xasuuqa lagu hayo muslimiinta dalkaasi ee loo yaqaan Rouhinga.

Dalalka ku bahoobay urur gobaleedka Asean ayaa kala ah; Brunei, Cambodia, Indonesia, Laos, Malaysia, Myanmar, the Philippines, Singapore, Thailand iyo Vietnam.

Kulanka hogaamiyayaasha urur gobaleedkaasi ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay tiro hogaamiyayaal ah oo ka yimid dalalka reer Galbeedka sida Maraykanka, Canada iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Shirkan ayaa fursad u ahaa hogaamiyayaasha caalamka inay ku cadaadiyaan haweenayda mataleysay Dowlada Myanmar ee Aung San Suu Kyi oo shirkaasi ka qeyb galaysay.

Dalalka Asean ayaa dhismahii ururkooda ku heshiiyey inaysan ka hadal arrimaha aysan heshiiska ku ahayn ama ay isku khilaafsan yihiin, taasi oo keentay in aan haba yaraatee lasoo hadal qaadin arrinta xasuuqa dadyowga Rouhinga ee laga baro kicinayo wadanka Myanmar.

Madaxweynaha Marti gelinayey shirkan ee Filibiin, Mr. Rodrigo Duterte ayaa isagu dadaal u galay in aan shirkaasi looga hadal arrimaha xaquuqul insaanka ee dalkiisa, iyado dowladiisa lagu eedeeyo dilalka sharci darada oo ay la beegsadaan dadka lagu tuhunsan yahay arrimaha Daroogada.

Comments are closed