Yemen: Diyaaradaha Sacuudiga oo duqeeyey Madaarka Sanca

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2017-11-14 13:59:37Z | |

Yemen (estvlive) 15/11/2017

Kooxda Xuuthiyiinta ee ka taliya caasimada Yemen ee Sanca ayaa ku eedeeyey Diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga duqeynta lala beegsaday Madaarka Caalamiga ah ee Sanca.

Duqeyntan ayaa gebi ahaan hawada ka saartay laanta Saadaasha Hawada iyo hagida diyaaradaha taasi oo meesha ka saareysa in Airportkaasi ay kasoo degaan diyaaradaha sida gargaarka caalamiga ah.

Boqortooyada Saucudiga ayaa todobaadkii hore sheegtay inay xayiraad horleh ku soo rogtay wadanka Yemen oo gebi ahaa la xiray Madaarada iyo Dekadaha dalkaasi kadib markii kooxda Xuuthiyiinta ay gantaal ku tuureen magaalada Riyadh ee caasimada Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa ku eedeenaya Iran inay hub casri ah keento wadanka Yemen, isla markaana laga hortagayo hubkaasi sida sharci darada ah lagu soo geliyo dalka Yemen, hase yeeshee xayiraadan ayaa ah mid si weyn u taabatay shacabka reer Yemen oo iyagu 70% adeegooda dibada ka keensada, waxaana sare u kacay maciishada iyo shidaalka.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo qaado xayiraada si gargaar loo gaarsiiyo dad gaaraya 7 milyan oo reer yemen ah oo macaluul heyso.

Sacuudiga ayaa sheegay inay hada fureen dekada Cadan iyo Mukalah, balse xuuthiyiinta ayaa sheegay in la furo Madaarka Caalamiga ah ee Sanca iyo Dekada Xudeydiyah oo iyagu maamulaan halkaasi oo ah goobaha wax looga soo dajiyo dadka ku nool waqooyiga wadanka Yemen.

Comments are closed