Madaxweyne Xaaf ‘’ Al-shabaab waan ka saareynaa deegaannada ay ka maamulaan Galmudug

Galmudug (estvlive) 16/11/2017

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in ay maamulkiisu u diyaargaroobay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweyne Xaaf oo kulan la qaatay iyo waxgarad ka soo jeeda deegannada Galmudug ayaa kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xoreynta deegaannada Ururka Al-shabaab ay ka joogaan Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay ka go’an tahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa saldhigyada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin dhulka uu maamulka ka arrimiyo, waxaana uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Al-shabaab ayaa hadda ku sugan deegaano ay ka mid yihiin inta u dhaxeysa Galcad, Xarar-dheer iyo Ceel-dheer oo ka wada ka tirsan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Comments are closed