Rag hubeysan oo qof shacab ah xalay ku dilay degmada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud

Cabuud-waaq (estvlive) 16/11/2017

Rag hubeysan ayaa lagu warmayaa in xalay qof shacab ah ku dileen Maqaaxi ku taalla degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, sida ay warbaahinta u sheegeen Goob joogayaal.

Ciidamada Ammaanka iyo Maamulka degmada Caabudwaaq oo warbaahinta qaar la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in lagu raadjoogo kooxdii dilka u geyatay qofka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Warar  soo baxaya ayaa sheegaya in qofka la dilay uu ahaa xoolo dhaqato oo ka yimid degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, safarna uu ka ahaa degmada Caabudwaaq.

Magaalada Caabudwaaq ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal salka ku haya aanooyin qabiil, iyada oo dhowaan uu jiray arrimo Qabiil oo u dhaxeeyay dad ka soo kala jeeda Caabudwaaq iyo Cadaado.

Comments are closed